cad
(m.l) (-dad, m.l)1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
cad
(m.l)1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-ddaa, -ddayd; -cadcad)1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
Caddibid*
Dhibid ama shiddeyn; dhibaateyn; Xannibid
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Soohad, soohdoon, soohdeen, tidcay, tidcadeen*
Heblaayo timiihii Beey soohatay hablihii timiihii Baa loosoohay…wiilkii Timiihii Buu soohday heblayo timiihii Baa loo tidcay timiihii Baa loo dabay gabdhihii timihii Baa loo tidcay,dumarka qaarkood iyagaa tidcadeen timahooda,iyagaa timahooda dabtay iyagaa timaha soohatay.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cad ↴
aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.
raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
caabbin [m.dh]
(taar.) Iska caabbin cadow ama
weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.
saabbuuncadar [m.dh]
Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
haadahaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.
ubur [m.dh] (-rro, m.dh)
Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur. abur
yaadaddo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo. caanaqub, kashiito, dhiddo
faahfaah [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: sii caddays (hadal iwm); waxkasheeg; faallo. waxkasheeg, faallo
caad [m.l] (daaw.)
Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
caadla'aan [m.dh]
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caddaan, xaqiiqo