codkar
(m.l) (-rro, m.dh)C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh codkar ↴
afmaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. A. ah: maansayahan. 2. A. ah: qof codkar ah.
afmiinshaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. ld afmiishaar.
afmiinshaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Qof wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto ku meel marin. ld afmiishaaree.
afyaqaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof cilmiga afafka aqoon u leh. 2. Qof codkar ah.
baane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Codkar; nin yaqaan hadal faan, dhaar iyo handadaad isugu jira jeedintiisa. 2. Khaniis. 3. ld baanise.
codkarnimo [m.dh]
Codkar ahaansho.
fasaaxad [m.dh]
Hadal kari ogaan; codkarnimo. ld fasaaxo.
gulaal [m.l]
1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. ld gulaalid.
gulguladillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Awr qoor ah doobbo soo ridid bilaabid. 2. Qof codkar ah noqosho.