dani
(m.l)Qof mas'uul ka ah baabuur, bas iwm. ld deni.
dani
(m.dh)Geed weyn, ciinka iyo dharkeenka ay isku bahyihiin oo ceelasha, guryaha, waraha iwm deyr looga dhigo; dano.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dani ↴
laaluusho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-shtay, -shatay)
Cid dani ku xirantahay laaluush siisasho.
waddani [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof waddankiisa aad u jecel.
waddaninnimo [m.dh]
Waddani ahaansho.
waddaniyad [m.dh]
Jeclaan siyaasadda madax-banaan ee dalka.
dano [m.dh]
1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.
deni [m.l]
ld dani¹.
dhuunirraac [m.l] (-cyo, m.dh)
Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
faduuli [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: qof wax aan loo dirsan ama aan raalli looga ahayn ama aan daniba ugu jirin, iska dhexgala; aabi iyo faduul badan.