dhawee
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-weeyay, -weysay)ld dhowee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhawee ↴
unuun [m.l]
1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
candhee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-dheeyay, -dhaysay)
1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.
dhowee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-weeyay, -weysay)
1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. ld dhawee.
dooribeyn [m.l] (-nno, m.dh)
Qalab yar oo bikaaco leh oo waxa fog muuqaalkooda soo dhaweeya.
foori [m.dh]
Dhawaaq yeera marka bushimaha laysu dhaweeyo oo neef xoog leh la afuufo.
labaclul [m.l]
1. Ruxashada xulusta iyo naasaha. 2. Neef xoolo ah oo sid dhaweeyey oo candho keenay.
marti [m.l]
(marti, m.dh) Qof laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn.
marti [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad laga soo dhaweeyey guri aanu lahayn.
martisoore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof martida soo dhaweeya.