isdhexgal
(m.l)(fiis.) Kulanka laba hir waxa dhici karta inay is taageeraan oo hir maxsuulku uu noqdo wadarta tamarta labada hir, ama ay is tirtiraan oo maxsuulku noqdo faraqa labada hir.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isdhexgal ↴
dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).
islanoolaansho [m.l]
(baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba noole oo sinyjiyo kala duwan ah. Erayga islanoolaanshaha badanaa waxa lagu xaddiddaa isdhexgalka labada sinjiba faa'iido ka helayaan. Laakiin waxa kale oo loo adeegsadaa xidhiidhka kale oo ku dhow sida wada noolaanshaha.
karaaniyam [m.l]
(c.nafl.) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balbal-laadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexee-yaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
labid [m.dh]
ld isdhexgal.
tartan [m.l] (-ammo/-anno, m.dh)
(baay.) Isdhexgal ka dhex dhaca laba ama in ka badan oo noole, tiro dad ama jinsiyo, kuwaas oo wadaaga ilo degaameed. Marka ilaha wax laga helayaa yaraadaan. Tartanku waa quwad muhiim ah marka laga hadlayo tadawurka. Tus. “Dhirtu way dheeraadaan si ay ugu tartamaan ilayska qorraxda”.
walaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Wax la rabo in ay isdhexgalaan qasid. 2. Meel deggan qas ka kicin.