dhib
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-bab, m.l)1. Arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn; wax lagu daalo; shiddo. 2. (fk) Si rafaad ah; si qaxar ah. ld dhibaato.
dhib
(m.dh)1. Daawo xoolaha shilinta iyo candhada looga daweeyo. 2. (-bab, m.l) Hog dhisan, dawo laga buuxiya oo xoolaha looga kunbiyo candhada, shilinta iwm.
dhib
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Nafley raaxo la'aan badid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhib ↴
aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan.
2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid
gaarsiiya; baabba'. baabba
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
baabba' [m.l]
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabbi'id
baabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bbi'i)
1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.
da' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -di'i)
1. Roob cirka ka imaansho. 2. Hoore, si dhibic dhibic ah u daadasho. hoore
yaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Ku yaab/ka yaab: dhacdo qof sameeyey la fajicid. 2. U yaab: wax dhibaato uga baqid (cid). 3. Ka yaab: dhibaato ka baqid (cid). 4. Isla yaab: cid fal ay samaysay ka qoomamayn.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
haadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Cid dhibaato haysata darteed uga faa'i ideysasho.
baahee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
U b.: qof ama dad dhibaateysan hanti u uruurin.