dhiig
(m.l)1. Dareere guduudan, wadnahu qaybiyo, halbowlayaasha nafleyda qaarkeed ku wareega oo nafaqada siiya. 2. Caadada dumarku bishiiba hal mar helo; xayl. 3. Dil.
dhiig
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)1. Dhiig sii deyn. 2. ld dhiigow.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiig ↴
kaadi dhiigow [m.l]
Kaadida oo dhiig soo raaco.
kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo
miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana
soo gudba dhuunta kaadimareenka.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
caado [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl
caado wareer [m.dh]
Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
kaadidhiig [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.
kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
kaadimacaan [m.l]
(daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.
maalooti [m.l]
1. ld magallooti (3) Si daran wax u laaya (bahal ama geesi); aan biqin; dhiigyacab. 2. M. ah: qof waxmatara ah.
nabar-kul [m.l] (-ro-kulul, m.dh)
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.