dhiiq
(m.dh)

1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.

dhiiq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Naas ibtiis caano ka imaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhiiq ↴

ibitiiliyam [m.l] (-mo, m.dh)
(baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.

ayodhiin [m.l]
(daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.

bebsiin [m.l]
(kiim.) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.

cadwoob [m.l]
(baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.

candhuuf [m.dh]
(c. nafl.) Dareere biyo oo kale ah ay qanjidho candhuufeedku ku dhiiqiiyaan afka. Soo saarida candhuufta waxa nashaadiya cuntada afka ku jirta iyo urta ama ku fekerka cuntada.

dhamooq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
Subag, dhammaajo, dhiiqo iwm wax ku dhoobid. ld dhamoog².

dheefsasho-saleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaq- dhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.

dhiidhi [m.l]
Ciid biyo qooyeen; dhiiqo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg