dhufsane
(m.l) (-ayaal, m.l/dh)

1. (xis.) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tus. “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tus. “26 waa dhufsane 13”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhufsane

xagal janjeedh [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.

dhufsane ay wadaagaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-ayaal, ml./m.dh)
Tiro dhufsane u ah laba ama dhowr tiro oo kale. Tusaale ahaan, 100 waa dhufsanaha ay wadagaan 5,25 iyo 50.

dhufsane-yaraha ay wadaagaan [m.l] (-nayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Dhufsanayaasha ay wadaagaan laba ama dhawr tiro midka ugu yar waxa la yiraahdaa dhufsane yaraha ay wadaagaan tirooyinkaas. Waxa loo soo gaabiyaa 0 dh.y.w.

hooseeye ay wadaagaan [m.l] (-yayaal ..., m.l/dh)
(xis.) Dhufsanaha ay wadaagaan hooseyeyaasha laba ama dhawr jajab, ama tirada haraa la'aan u qaybsanta hooseeye kasta ee jajabka. Hooseeye yaraha ay wadaagaan waa tirada ugu yar ee ah dhufsane ay wadaagaan hooseyeyaasha jajab.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg