farriin
(m.dh) (-iimo, m.l)

Hadal aan qorrayn oo qof loo dhiibo si uu u gaarsiiyo qof kale; adeeg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farriin

taar [m.l] (-rar, m.l)
1. War farriin kooban oo nooc raadiyeyaasha ka mid ah lagu diro. 2. Silig wax lagu oodo. 3. (muus.) Daf afar geesle ah.

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

adeeg [m.l]
1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.

dhambaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iwm isu diraan.

ergey [m.l] (-go, m.dh)
1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tus. “Saalax waa ergeyga soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.

far [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin.

faran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar).

faro [f.g/lg3] (-rtay, -ratay)
1. Wax fandharasho. 2. Cid farriin u dhiibasho.

haddii [Xiriiriye | Conjunction]
1. Erey lagu xiriiriyo weer shardiley ama waqtiley ah. Tus. “Haddii aad dersiga akhrin lahayd, imtixaanka waad ku gudbi lahayd”, “Haddii Warsame yimaado, farriintayda gaarsii”. 2. H. kale: haddii sidaas aysan noqon.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg