fidi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax baahin. 2. Wax kala bixin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fidi

baac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Cabbir dhererka u dhaxeeya labada gacmood marka la kala fidiyo. 2. Gacan la fidiyo iyo xabadka inta u dhexaysa.

baadari [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi. baaderi

kaalmo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.

saaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid.

wadaamagooye [m.l]
(c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.

xafidid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xafid.

afar-madaxle [m.l]
(c.nafl.) Muruqyada ugu waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku yaal bowdada.

ansaar [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.

baaltaag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Gorayo, cantalaay iwm baal fidin.

beendhure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof been badan fidiya.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg