garmaqaate
(m.l) (-tayaal, m.l/dh)

1. G. ah: qof madax adag oo aan gar qaadan. 2. Bud gaaban, xooggan, labada dhinac ka fiiqan, oo wax lagu halgaad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garmaqaate

abjac [m.l] (-cyo, m.dh)
A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.

lamakaraan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
L. ah: qof garmaqaate ah; macangag.

madax-adayg [m.l]
Wax ka dhaadhicid la'aanta qof ku sugnaado, garmaqaatenimo.

qaballuus [m.l] (-syo, m.dh)
Qof qaangaar ah oo garmaqaatenimo iyo nacasnimo isku darsaday.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg