haki
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax in yar joojin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haki ↴
caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka
danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
waabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku
gabbado u taagid; baacin. baacin
ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.
taako [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cabbiraadda suulka gacanta iyo fardhexaadda oo fidsan u dhexeysa. 2. Wax, wax kale lagu hakiyo.
barriiji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.
biyaxir [m.l] (-rro, m.dh)
Dhismo loogu tala galay in biyaha webiyada socodkooda lagu hakiyo si loo keydiyo, heerkoodana kor loogu qaado. ld biyaxireen.
cadgo' [m.l]
Dhibaato hakisa dhaqdhaqaaqa; muruqgo'..
cadgo' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day)
Muruqyada, dhibaato xanuun leh oo hakisa dhadhaqaaqa ku dhicid; muruqgo'..
carshaasho [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. (ld carshacarshe) Qas iyo lab hawl socoto lagu hakiyo. 2. Timir aan aad u bislaan.
carshacarshe [m.l]
Qas iyo lab hawl socota lagu hakiyo. ld carshaashoÿ(1).