inan
(m.l) (-ammo, m.dh)

1. Wiil, 2. Nin dhalin yar. 3. ld iran (2).

inan
(m.dh) (-amo, m.l)

1. Gabar. 2. Gabar gaartey da'dii guriyeelashada welise aan la guursan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh inan

ugar [m.l]
1. Inan. 2. Harag xoolaad oo la idiimay.

baloolley [m.dh]
1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.

biinan [m.l]
1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.

cayn [m.dh]
(nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.

coofley [m.dh]
1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.

gaban [m.l] (-nno, m.dh)
1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. ld gibin¹, gifin¹.

gabar [m.dh] (-bdho, m.l)
1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. ld geber, gabadh.

gahayr [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. ld gaahiir 1. Miro aan bislaan, curdannimadiina dhaafay. 2. G. ah: gabar inannimmo ku weynaatay. 3. Wax aan jilicsanayn; adag. 4. ld gaahi.

guumeys [m.dh]
Gabar inannimo ku weynaatay oo aan la guursan.

igaar [m.l]
(igaar, m.dh) Wiil, kuray, inan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg