irrid
(m.dh) (-do/irdo, m.l)

Meel furan oo laga soo galo (deyr, guri qol iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh irrid

kaad [m.l]
1. Irridda aqalka xaggiisa gudaha. 2. Labada udub oo aqalka irriddiisa ku mudan midkood.

udubxoog [m.l] (-gyo, m.dh)
Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.

afaaf [m.l]
(afaaf, m.dh) Meesha furan ee aqal, xero iwm laga galo ama laga baxo; kadin; irrid.

afdhuub [m.l] (-bab/-byo, m.l)
Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.

albaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Irrid, albaab u yeelid. 2. Albaab furan xirid.

bannee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
1. Wax meel sida waddo, irrid iwm ku gudban ka wareejin. 2. Meel xadeysan wax ku jira ka saarid. 3. Meel geedo ku yaalin bannaan ka dhigid. 4. Wax samayntooda oggolaan (sharci).

cirrid [m.l] (-dyo, m.dh)
Hilibka ku yaal labada fuq ee afka nafleyda oo ilkaha haya.

cirrid [m.l]
(c.nafl.) Sooh xiriirka iyo xuubka daboola (mucous membrane) oo isku haya ilkaha iyo daamanka.

cirrid [m.dh]
ld cirid.

cirridbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg