isdhaaf
(m.l)1. Waalli. 2. I. ah: laba addin oo aan isku dhinac ahayn.
isdhaaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)1. (f.g) Laba wax ama ka badan oo jihooyin kala duwan u socda isweydaarasho. 2. (f.g) Laba ama ka badan oo wax isku hayey isnabadgelin. 3. (f.mg) Cid waalasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isdhaaf ↴
laafyo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Hore iyo gadaal u tuuridda gacmaha marka la soconayo iyadoo la isdhaafinayo.
saayir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Cid macaamil wanaagsan oo wax isdhaafsi leh la yeelasho. 2. La s.: cid xiriir wanaagsan la yeelasho.
saayiraad [m.dh]
1. Macaamil wanaagsan, wax isdhaafsi leh oo cid dhexmara. 2. ld saayirid.
uumi saarid [m.dh]
(bot.)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.
caraatan [m.l]
Kaftan suugaaneed cay ah oon laga caroon oo wiilasha iyo gabdhaha isdhaafsata; yooyootan. ld caraatamid.
caraatan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho.
caytan [m.l]
Isdhaafsashada cay laba qof ama ka badan isdhaafsadaan. ld caytamid.
caytan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Laba qof ama ka bdan cay isdhaafsasho.
cilaaqtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
La c.: laba qof, hadal muran iyo hagag leh isdhaafsasho. ld ilaaqtan².
dhismo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaabka ay u habaysanyihiin curiyeyaal afeed (sida “foniimyada”, “ereyada”, “oraahyada”), oo ku dhisan xiriirka isdhaafsan ee ka dhexeeya curiyeyaasha.