isgaarsii
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iiyay, -iisay)

1. War iwm isu gudbin. 2. Wax isdeeqsiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh isgaarsii

ayoonisfeer [m.l]
(fiis.) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.

boosto [m.dh]
1. Maamul dawladeed oo ku jaadan waraaqaha, dhambaallada iwm oo la isu diro qaybintooda iyo isgaarsiintooda. 2. Xafiisyada iyo rugta hawlahaas lagu qabto.

dagaal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-aalay, -aashay)
D./la d.: laba qof ama ka badan waxyeello af ama addin ah isgaarsiin.

geyoo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-ooday, -ootay)
1. Heer ama si la isgaarsiiyo. 2. Ka g.: dhaqan xun sameyntiisa ka waantoobid. ld gayo.

isgaarsiin [m.f.dh]
eeg isgaarsii.

isgaarsiin [m.dh]
(tegno.) Barashada iyo adeegsiga hababka gudbinta wararka, sida raadiyaha, telifoonka ama telifishanka iwm.

telefishen [m.l]
(tegno.) Hab isgaarsineed lagu gudbiyo wararka maqalka iyo muuqaalka. Qaybta ugu muhiimsan hab isgaarsiinta waa kamarada telifishanka oo wararka aragga u beddesha sinyaale danabeed, raacaya mareegta si loogu habeeyo hirarka baaha. Herarkaasi marka ay soo qaadhaan qaybta telefishinka, waxa uu telefishinku u beddelaa hummaag ka muuqda iskiriinka. ld telefisyoon.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg