jibaad
(m.l)

Reen xoog leh oo ka soo baxa dadka ama duunyada jirran.

jibaad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Xoog u reemid; aad u taahid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jibaad

jaw [m.dh]
1. Kaamil. 2. Jibaad meel fog laga maqlaaya. 3. Keli ah.

jibaadgaabis [m.l]
Duco loola jeedo in qof naftu dhibayso adduun ama aakhiro mid uu u dhaco.

jibaadid [m.f.dh]
eeg jibaad².

reen [m.l]
1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. ld riin¹.

wajac [m.l]
1. Xanuun yar. 2. Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.

wiiwii [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Erey tilmaama cabaad, jibaad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg