jibaax
(m.l)

1. Qufac dadka iyo xoolaha ku dhaca. 2. ld jibaaxid. Maridda xoog lagu maro meel jiq ah ama lagu badanyahay.

jibaax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)

Meel dhir ama dad badan leh xoog ku dhex marid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jibaax

cod [m.l] (-dad, m.l)
(nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.

dardar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax jiirid; jibaaxid. ld barbar², berber², derder³.

fansaar-jibbaar [m.l]
(xis.) Fansaarka f(x) = e oo loo qoro f(x) = exp(x). Waxa kale oo loo isticmaalaa fansaarrada noocan oo kale ah, ax, oo a ay tahay madoorsoome. Guud ahaan, waa fansaar leh doorsoomayaal loo jibaaxay jibbaar ahaan.

jibaaxid [m.f.dh]
eeg jibaax². ld jibaax¹ (2).

taraar [m.l] (-ryo, m.dh)
1. Bowd si aad ah ood loogu adkeeyay. 2. Jibaax; jiiris. 3. ld taraarid.

taraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax si xoog ah meel u jiirid; u jibaaxid, u dardarid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg