jiciir
(m.dh)

1. Ceeb weyn; bayuur. 2. Midab ciiro casaan ku jiro leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jiciir

bayuur [m.dh]
Ceeb aad u weyn; jiciir.

jiciirasho [m.f.dh]
eeg jiciiro.

jiciirayn [m.f.dh]
eeg jiciiree.

jiciiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Cid ceeb gaarsiin. 2. Wax midab ciiro ah u yeelid.

jiciiri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel ka wadid; wax meel ka fogeyn.

jiciirin [m.f.dh]
eeg jiciiri.

jiciiro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Meel ka fogaansho.

jiciiroobid [m.f.dh]
eeg jiciirow.

jiciirow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Cid wax ceeb weyni gaartay noqosho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg