maax
(m.dh)

Biyo badan oo ceel ku jira, oo dhulka hoose ka soo baxay.

maax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)

Biyo dhex marid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maax

faafto [m.dh]
Ceel maaxda oo dowlis lagaga cabbo.

badmaax [m.l] (-xyo, m.dh)
Nin ka mid ah shaqaalaha maraakiibta ka shaqeeya.

dab [m.dh]
Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.

duraab [m.dh]
Biyo maax ah oo ceel ku jira.

duraab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Ceel maaxasho.

duud-dhadhaabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.

faarofaare [m.l]
Ceel roobku biyeeyo, marka xareeddu dhammaatana la qodo oo maaxda.

ganuun [m.l] (-nno, m.dh)
1. Haruub yar oo xoolaha lagu maalo (ari). 2. Ceel, meel salkiisa ka mid ah oo biyo ka soo maaxdaa.

gumaax [m.l]
1. Bir aan af ama caarad dhuuban lahayn. 2. ld gumaaxid.

gumaax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
Bir wax aan af ama caarad dhuuban lahayn ka dhigid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg