naag
(Magac Dheddig ah | Feminine Noun) (-go, m.l)

1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naag

haadey
[Erey Dareen | Exclamation]

Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. ld hoohey. hoohey

haasaawe
[m.l]

1. Sheeko maaweelo leh oo laba qof ama ka badan dhex marta. 2. Sheeko nin iyo naag isku xodxodanaya dhax marta.

haasaawee
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)

1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi. haasaawi

naagaysad
[m.l]

ld naagaysasho.

naagaysasho
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg naagayso. ld naagaysad.

naagayso
[Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)

1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.

naagnimo
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Naag ahaansho.

qaado
[Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)

1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.

qaafo
[Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]

1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg