nadaam
(m.l)

ld nidaam.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nadaam

aaddi
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)

1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii

waddaysan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)

1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.

waddee
[Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)

1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.

bilqaxan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-xnaa, -xnayd)

Wax si aan nadaamsanayn loo kala daadshay ahaansho.

cambus
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)

Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid.

habaysan
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)

Wax la nadaamiyey noqosho.

habaysan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)

Wax la nadaamiyey ahaansho.

nadaamdarro
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

ld nidaamdarro.

nadaami
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)

ld nidaami.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg