noqosho
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg noqo. ld noqod (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noqosho

aabburan
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay., -rantay, -rmi)

Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”.

aafow
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)

Wax aafeysan noqosho (nafley badan).

ibajitow
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday)

Neef geel ah oo ibajito naaska ka gashay noqosho.

qaaban
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)

1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1). qaabi

raabakh
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-khay, -khday)

Qalab, wax aad u gaboobay noqosho.

ebyan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)

Wax la dhammaystiray noqosho. ld ebyoon¹. ebyoon

naabnaab
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)

1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab

oggolow
[Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-laaday, -laatay)

Wax, wax oggolaaday noqosho.

taabbaqaad
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)

1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho. qaangaarid

waabaayow
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)

Dad, xoolo iwm wax waabaayo hayso noqosho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg