nukliyootaydh
(m.l) (-yo, m.dh)

(baay.) Iskudhis orgaanik ah oo ka samaysmay raybows asiidha foosfoorik iyo naytroojiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nukliyootaydh

yurasil
[m.l] (-lo, m.dh)

(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

adinayn
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-no, m.dh)

(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada DNA iyo RNA.

asiidh-bu'eed
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-dyo ..., m.dh)

(baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.

guwaaniin
[m.l]

(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg