nus
(m.l)Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; bar. Tus. “N. kiilo bariis ah”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nus ↴
ununush
[Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.
afcaan
[m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
aqlabiyad
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
Tirada dadka ee ka badan nuskooda.
bar
[m.l]
Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tus. “Lacagta bar i sii”.
gunuunus
[m.l]
ld gunuunuc¹.
gunuunus
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
ld gunuunuc².
gunuunusid
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]
ld gunuunucid.
isdhin
[m.l]
(dhaq.) Nusqaamidda shey uu ka nusqaamo sidii uu ahaa.
isdhin
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-imay, -intay; -imi)
Shay siday ahaayeen ka nusqaamid.
iskubaano
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-ooyin, m.l)
Kolay shiraac ka samaysan oo waxyaabaha yaryar lagu rito oo ay sida badan ciidamadu qaataan. ld nuskubaano.