nuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Ilmo naas jaqsiin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuuji ↴
taadhisaar
[m.l]
Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.
taadhisaar
[Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.
naasaley
[Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.
naasnuuji
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Si qarsoodi ah qof wax u siin.
naasnuujin
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naasnuuji. ld naasnuujis.
naasnuujis
[m.l]
ld naasnuujin.
caalsaar
[m.l]
Nuujinta neef irmaani uu nuujiyo canug uu dhalay oo meel ku xiran. ld caalsaarree (1).
caalsaar
[Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Neef irmaan ilmihiisa oo meel ku xiran nuujin. ld caalsaaree (1).
caanannuuji
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Caano nuujiin; caanosiin.
caanannuujin
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caanannuuji.