nuuradee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -daysay)

Wax nuurad marin. ld nuuriyadee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nuuradee

tabaashiir
[m.l]

(jool.) Dhagax nuuradeed saafi ah, jilicsan oo cad, oo sida caadiga ah ka samaysan kaalshiyam kaarboonayt.

dhagax-nuuradeed
[m.l]

(jool.) Dhagax ay muhiimtahay inuu ka koobnaado 50% kaalshiyam kaarbonayt.

dolmayt
[m.l] (-tyo, m.dh)

(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.

nuuradayn
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg nuuradee. ld nuuriyadayn.

nuuriyadee
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)

ld nuuradee.

tiirfoorara
[m.l]

(jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg