qoton
(m.l)1. Joog; dherer, taagnaan. 2. ld qotomid.
qoton
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-omay, -ontay; -omi)Weel, iwm meel salka ku hayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoton ↴
itaal [m.l]
(fiis.) Summad 'I'(jabaq). Dhakhsaha ay tamarta jabaqda ku dhexmarto halbeeg bed ah oo ku ligan foolkabaahidda hirarka jabaqda. Itaalku waxa uu saamiggal quman la yahay laba jibaarka qotonka gariirka hawada. Halbeegga taalka waa desibal. b) eeg itaalka birlabeed. t) eeg itaalka danabka. j) eeg itaalka iftiimeed.
joog [m.l]
(juqr.) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.
liciifis-habdhis-makiineed [m.l] (-dyo, m.dh)
(fiis.) Yaaranta qotonka gariirka ayna ugu wacantahay tamarta ka lunta qaybaha gariiraya, kuna baxda ka-hortagga xoogagga isliska ama xoogagga caabbiga.
ligane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Guud ahaan waa qotome ama sammeeya xaglo qumman. 2. Xarriiq ama sallax ku qotonka xarriiq ama sallax kale.
ligane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiq ama sallax waxaa la yiraahdaa waxa ay ligane u tahay xood haddii ay ku qotonto taabtaha xoodka halka barta ay xarriiqda iyo xoodku ku kulmaan. Tusaale ahaan, gacanka goobo wuxuu ku liganyahay meeriskaa goobo.
qayb-xareedayn [m.dh] (-bo ..., m.l)
(kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.
qotomid [m.f.dh]
eeg qoton². ld qoton¹ (2).
qotonsad [m.l]
ld qotonsasho.