reeme
(m.l) (-mayaal, m.l/dh)1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (c.nafl.) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh reeme ↴
buraambur [m.l] (-rro, m.dh)
Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.
dareeme [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
1. Xubnaha dareenka jirka mid ka mid ah. 2. Xididdada nafleyda ee isku xira xangullaha iyo maskaxda. 3. ld dareemo.
dareeme-kiimikaad [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
dureeme [m.l]
ld dareemo.
owlaan [m.dh]
(muus.) Reeme laga yaqaan degaanka u dhexeeye labada webi.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg