sariir
(m.dh) (-ro, m.l)1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sariir ↴
saabaan [m.l.w]
Alaabta guryaha la dhigto oo ay
ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan. saa-maan
raar [m.dh]
1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.
alaab [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qalabka guriga looga adeegto. 2. Waxyaabaha qofka u gaarka ah sida sanduuqa, dhar, miis, sariir iwm. ld alaabo.
alwaax [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.
bursariir [m.l]
ld bursaaliid.
buste [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
Go'weyn oo dhogor jilicsan ka samaysan oo la huwado, sariirtana la saarto; kubbeerto.
carshi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.
catiir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Sariir ka samaysan qoryo iyo xarig caw ah. 2. ld caddiir. Xarig ka samaysan caw.
catiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Sariir catiir ku samayn. 2. Xarig caw ka samayn.
dakee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).