waxsoosaar
(m.l)

1. (dhaq.) Tirada wixii ka soo baxa warshadaha, beeraha, xoolaha, iwm. 2. (dhaq.) Natiijada waxqabad hawleed kasta. ld waxsoosaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waxsoosaar

burjiwaasi [m.l] (-iyiin, m.dh)
Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.

carwo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.

hantiggoosi [m.l]
Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo faa'iidadaba dad gaar ahi leeyahay. ld hantigoosad.

hantiwadaag [m.l]
Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.

waxsoosaarid [m.dh]
Awoodda waxqabad ee wax leeyihiin. ld waxsoosaar.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg