xodxodasho
(m.f.dh)

eeg xodxodo².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xodxodasho

haasaawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -waysay)
1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. ld haasaawi. haasaawi

kood [m.l] (-dad, m.l)
1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.

shukaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Haweenay xodxodasho. 2. Qof qalqaalin. 3. Doon, markab iwm wadid.

shukaanso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Hawee-ney xodxodasho. 2. Cid qalqaalsasho.

xiloodi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg