lallabo
(m.dh)

1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.

lallabo
(m.dh)

(daaw.) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lallabo

cunto-sumow [m.l]
(daaw.) Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.

dheefshiid-dhiman [m.l]
(daaw.) Dheefshiid xumaada, cunnada kaddib xanuun bay leedahay, dibiro, lallabo iyo matag.

fuuqbax [m.l]
(daaw.) Biyaha oo ka yaraada soohyada jirka, waxayna ka iman kartaa: qaadasho la'aan biyo jirka ku filan. Biyo badan oo ka baxa jirka (dhidid, matag, shuban). Astaamo: harraad badan, itaal darro iyo lallabo.

labbalabbo [m.dh]
ld lallabo.

labballabbo [m.dh]
ld lallabo.

lablabbo [m.dh]
ld lallabo.

lablabboo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld lallaboo.

lablabbood [m.l]
ld lallabood.

lallabbo [m.dh]
ld lallabo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg