Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kebedgalool  Nooc kebdaha ka mid ah oo laga sameeyo mayrax galool. ld gebedgalool.
kebriid  ld kabriid.
kedi1  Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud. kedi2  ld kadi. kedin  ld kadin².
kedis  1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo. 3. ld kadin².
kediso  ld kadiso.
kedo  1. Wax si degdeg iyo lamafilaan ah ku dhaca; aan la iska jirin; lamafilaan. 2. (fk) Si kedis ah; islamarkiiba.
kee1  kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” . kee2  Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”. keeb  Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad. .
keed  ld keeda².
keeda1  (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”. . keeda2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. ld keed. keen1  Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tus. “Cali baa isugu keen yeeray”. keen2  1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid. . keen3  ld keenna². keenayn  eeg keenee.
keenee  Awr keeno gelin.
keenid  eeg keen³. ld keenis.
keenis  ld keenid.
keenna1  (kuweenna, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Gurigiisa keenna ayaa ka dhow”. . keenna2  Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tus. “Aan aadno gurigeenna”. ld keen³. keeno  Siriq hoggaanka loo yeelo oo geela inta gafuurka loo suro lagu wado.
keensad  ld keensasho.
keensasho  eeg keenso. ld keensad.
keenso  Wax meel durugsan ka qaadasho.
keer1  (kuweer, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “Keer baa fariistay meeshaadii ee ka kici”. . keer2  Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. keeratoosis  (daaw.) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
page : 36 of 73
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 > >>

 

Exit mobile version