dhoocil (1) Rati weyn; xaas-walwaal.
dhoocil (2) 1. Gabar aan weli qaangaarin; foodley. 2. Naag aad u buuran.
dhoocilnimo Dhoocil ahaansho.
dhood (1) Faan; baan; tookh.
dhood (2) Hadal ammaan iyo isla weynaan huwan qof iska sheegid.
dhooddi Dhul ciiddiisu dibir tahay.
dhoodhow Nooc cambaha ka mid ah oo buruq badan leh.
dhoodid eeg dhood².
dhoof (1) 1. (-faf, m.l) Dalka oo dibadda laga aado. 2. (-faf, m.l) Badeeco dibadda laga keeno. 3. ld dhoofid.
dhoof (2) Ku dh.: dal dibad ka aadid.
dhoofi 1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.
dhoofid eeg dhoof². ld dhoof¹ (3).
dhoofin eeg dhoofi. ld dhoofis.
dhoofis ld dhoofin.
dhoofiye Qof badeeco dal kale u iibgeeya.
dhoofsan 1. Wax la dhoofiyay ahaansho. 2. Wax la soo dhoofiyay ahaansho.
dhoofsanaan eeg dhoofsan. ld dhoofsanaansho.
dhoofsanaansho ld dhoofsanaan.
dhoofsasho eeg dhoofso.
dhoofso Badeeco dal kale u iibgeysasho.
dhoohan Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon.
dhoohanaan eeg dhoohan. ld dhoohanaansho, dhoohnaan, dhoohnaansho.
dhoohanaansho ld dhoohanaan.
dhoohnaan ld dhoohanaan.
dhoohnaansho ld dhoohanaan.
dhookayn eeg dhookee.
dhookaysan Ka dh.: wax, wax kale saaran ahaansho.
dhookaysnaan eeg dhookaysan. ld dhookaysnaansho.
dhookaysnaansho ld dhookaysnaan.
dhookee Ka dh.: wax, wax kale dul saarid.
<< < 423 424 425 426 427 428 429 430 431 432 433 > >>