Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: codlaawe
dhooqaysnaansho ld dhooqaysnaan.
dhooqee 1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin.
dhooqo 1. Dhoobo aad u qoyan. 2. Wasakh.
dhooqoobid eeg dhooqow.
dhooqow Wax dhooqo leh noqosho.
dhoor 1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
dhoorre Wiil yar oo dhoor leh.
dhoorrey 1. Shimbir dhoor leh. 2. Dh. ah: wiil (ama gabar) yar oo dhoor leh.
dhooy ld dhoy.
dhooyla'aan ld dhoyla'aan.
dhooyla'aansho ld dhoyla'aan.
dhooylaawe ld dhoylaawe.
dhoqol (1) Haruubka dhiisha ilmaha caanaha loogu shubo.
dhoqol (2) Dhiil yar oo ilmaha caanaha loogu shubo.
dhoqor (1) Meesha godan ee biyuhu isugu soo ururaan marka roobku da'o ee beertii ka baxda qurunto.
dhoqor (2) Qare, bocor, iwm god yar u yeelid.
dhoqos Dhiil weyn.
dhoqran Qare, bocor, iwm wax dhoqor loo yeelay ahaansho.
dhoqranaan eeg dhoqran. ld dhoqranaansho.
dhoqranaansho ld dhoqranaan.
dhoqrasho eeg dhoqro.
dhoqrid eeg dhoqor².
dhoqro Cunto la cunayo meel godan oo iidaanka lagu shubo u yeelid.
dhosoq ld dhisiq.
dhow Wax aan fogayn ahaansho.
dhowaad 1. Ku dh.: qiyaac aad ugu dhow, wax laga hadlayo. Tus. “Cali labaatan ku dh. buu jiraa.” 2. ld dhowaan.
dhowaan 1. ld dhawaansho, dhowaad, dhowaan, dhowaansho. eeg dhow. 2. (fk) ld dhawaan. Mar dhow; hadhow.
dhowaandhalad Fikrad, qalab iwm hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. ld dhawaandhalad.
dhowaansho eeg dhowow. ld dhowaan.
dhowaansooggal Qof meel uu ku cusub yahay jooga. ld dhawaansooggal.
<< < 425 426 427 428 429 430 431 432 433 434 435 > >>

 

Exit mobile version