Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fullaacsan
dooh-bisaliim Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talagalay dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena saddex. ld saliim-bidooh.
dooh-bishiish Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bidooh.
dooh-biyeeg ld yeeg-bidooh.
doohad Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
dooji 1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iwm biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.
doojin eeg dooji. ld doojis.
doojis ld doojin.
dool (1) Qof dilaa ah, tuug khatar ah, bahal halis ah iwm oo meel aan laga aqoon yimid.
dool (2) 1. Labada qaybood ee barida dadka ama idaha middood. 2. Doon yar oo webiyada looga tallaabo.
dool (3) Qof, bahal iwm meel aan laga aqoon aadid.
doolaal 1. D. ah: qof ka tegey meeshiisii oo ku sugan meel kale oo ka fog oo uusan camal ku hayn loogana baahanayn. 2. D. ah: dugaag meelo kala fog ka ugaarsada.
doolaalo 1. Doonashada uu neef qoor ah oo qooqan uu doonto wax uu abaahiyo ama saarto. 2. Aadidda la aado meel kale oo aan la iskaga baahnayn.
doollar Lacagta rasmiga ah ee waddanka Mareykanka.
doolli Jiir.
doollo Dhul sare oo siman.
doolo Caws dhaadheer, rarada laga sameeyo oo geed gaabyada ka hoos baxa.
doolshe Macmacaan ka sameysan bur, ukun, caano, sonkor iwm. ld doorshe.
doomaar 1. Naq cayada la bah ah oo degellada ka baxa. 2. Cayo.
doomayn eeg doomee.
doombir Geedsaar buruq weyn oo la cuno leh.
doomee Dhul la falay doomo ka soo bixid.
doomid eeg doon². ld doonis.
doomo Nagaarka ka soo hoos baxa dalagga la beero.
doon Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
doon (1) 1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
doon (2) 1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iwm caatoobid.
doon (3) 1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
doonasho eeg doono.
doondoon (1) 1. Raadinta wax aan la hayn ama lumay oo hadba meel laga dayo. 2. ld doondoonid.
doondoon (2) Wax aan la hayn ama lumay hadba meel ka dayid.
<< < 462 463 464 465 466 467 468 469 470 471 472 > >>

 

Exit mobile version