Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
qaxwo  ld qaxwe.
qay1  Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa. qay2  1. Weel, wax yar oo hoore ah daadin. 2. Uunsi shidid. qayaayo  1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iwm oo is dulsaaran.
qayaayoobid  eeg qayaayow.
qayaayow  Qayaayo noqosho.
qayacato  Nooc xabagta ka mid ah oo dhirta qaarkeed laga helo oo leh midab cad, aadna u adag oo wax la iskula dhejiyo.
qayax1  1. Q. ah: wax aan qarsoonayn oo si wanaagsan loogu wada jeedo. 2. Wax sida badar, geed iwm oo diirka laga qaaday. 3. Laf hilibkii laga guray. qayax2  1. Wax diirka sare ka qaadid. 2. Laf hilib ka gurid. 3. Si wanaagsan wax u sheegid. qayaxan1  1. Geed wax diirkii ka qaadmay noqosho. 2. Laf wax hilibkii ka dhamaaday noqosho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay noqosho. qayaxan2  1. Wax diirka sare laga qaaday ahaansho. 2. Laf, wax hilibkii laga guray ahaansho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay ahaansho. qayaxmid  eeg qayaxan¹.
qayaxnaan  eeg qayaxan². ld qayaxnaansho.
qayaxnaansho  ld qayaxnaan.
qayb1  Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil. qayb2  1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah. qayb3  (nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba. qayb4  Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin. qayb5  Wax kor ka barasha. qayb bulsho  (bul.) Dabaqad bulsheed, ama nidaam dawlad oo ku dhisan u kala qeybinta dadweynaha kooxo, iyada oo fiirinaysa reerkooda, darajadooda, maalkooda iyo shaqadooda iwm.
qayb goobo  (xis.) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +-na tahay xagasha.
qayb-xareedayn  (kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.
qaybgal1  Ka q.: ka qayb qaadashada hawl la qabanayo. ld qaybgelid. qaybgal2  Ka q.: hawl la qabanayey ama wax kale qayb ka qaadasho. qaybgale  Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.
qaybgeli  Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iwm in uu qayb kaqaato u oggolaan.
qaybgelid  eeg qaybgal². ld qaybgal¹.
qaybgelin  eeg qaybgeli.
qaybi  1. Wax dhawr qaybood ka dhigid. 2. Ku q.: hawl, arrin iwm cid kale ku aaddin.
qaybid  eeg qayb³.
page : 50 of 86
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>

 

Exit mobile version