Qayb

Qaabnaxa: Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb Isrogrogga:

Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil.

Qayb

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-bo, m.l)

1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah.

Qayb

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

(nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba.

Qayb

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin.

Qayb

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bay, -btay)

Wax kor ka barasha.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qayb

aakhir | baa | baab | ubax | ubbo-ubax | maab | waa | caabbiye | haad | baabbaca-caleen |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg