yaree 1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. ld yareysii.
yarehe ld yare.
yariis1 Y. ah: nin bar yar. yariis2 Y. ah: haweeney bar yar. yaris 1. Ugaarta qaybteeda yaryar sida calakudda, sagaarada iwm. 2. Cawska jaad ka mid ah.
yarow Wax yaraaday noqosho.
yaryarayn eeg yaryaree.
yaryaraysasho eeg yaryarayso.
yaryaree Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.
yaryareyso Wax isticmaal-kooda dhaqaalaysasho.
yaryaro Jaad cawska xooluhu daaqaan ka mid ah.
yas Cid wax liita ka dhigid.
yasid eeg yas.
yasir U y.: cid wax qabsoo-middiisa u sahlid.
yasirid eeg yasir.
yatiin Carruur yaryar oo aabahood dhintay; agoon.
yaw Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.
yawyab1 1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur. yawyab2 1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn. yawyabid eeg yawyab².
yaxaas (c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.
yaxdho Hilib.
yaxoob ld yoxoob².
yaxoobid ld yoxoobid.
yaxuus Nin aad u gaboobay.
yaxuusoobid eeg yaxuusow.
yaxuusow Yaxuus noqosho (nin).
yaxyax1 1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid. yaxyax2 Qof ceeb weyn dareemid. yaxyaxi Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
page : 6 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>