Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
casiimad  ld casiimo.
casiimayn  eeg casiimee.
casiimaysan  Wax casiimo lagu akhriyay ahaansho.
casiimaysnaan  eeg casiimaysan. ld casiimaysnaansho.
casiimaysnaansho  ld casiimaysnaan.
casiimee  Cid casiimo ku akhrin.
casiimo  Qoraallo iyo akhrisyo diini oo loola jeedo in cid lagu waxyeelleeyo; asmo. ld casiimad.
casiin  ld casaan¹.
casiis  1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
casiisad  1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
casiisnimo  Cisiis ahaan.
casil  Qof jago hayo ka qaadid.
casilaad  1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. ld casilid.
casilid  eeg casil. ld casilaad (2).
casir1  ld casar. casir2  Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid. casirid  eeg casir².
caskarayn  ld askarayn.
caskaree  ld askaree.
caskari  ld askari.
caskarinnimo  ld askarnimo.
caskramaroodi  ld askarmaroodi.
casmali1  C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays. casmali2  Tarbuush guduudan. casow  Wax cas noqosho.
casri  1. Sebenka markaa la joogo. 2. C. ah: wax cusub oo waqtiga la socda.
casriyayn  eeg casriyee.
casriyee  Wax, wax cusub oo waqtiga la socda ka dhigid.
casumaad  Cunto ka kooban noocyo badan oo qof la sharfayo loo sameeyo. ld casuumad.
casuman  Wax la casumay ahaansho.
page : 51 of 95
<< < 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 > >>

 

Exit mobile version