Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
heeraar1  1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iwm oo meel ku wareegsan. heeraar2  1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iwm meel ku wareejin. heeraaran  1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iwm meel ku wareegsan.
heeraarasho  eeg heeraaro.
heeraarid  eeg heeraar².
heeraarnaan  eeg heeraaran. ld heeraarnaansho.
heeraarnaansho  ld heeraaran.
heeraaro  Heeraar samaysasho.
heeran1  ld heerin. heeran2  1. Wax la jaray noqosho. 2. Heerin u safrid. heeran3  Wax la jaray ahaansho. heerid  eeg heer².
heerin  H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. ld heeran¹.
heerkul  (fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
heerkul qiirqiir  (fiis.) Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.
heerkulbeeg  (fiis.) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. ld heerkulbeege.
heerkulbeege  ld heerkulbeeg.
heermid  eeg heeran².
heernaan  eeg heeran³. ld heernaan-sho.
heernaansho  ld heernaan.
heertamarta-k  eeg atam.
heertis  Summad: Hz. Halbeegga Caalamiga ee rakaadka loona qeexo rakaadka fafaalo kaleed oo leh kal hal seken ah.
heeryee  Wax heeryo saarid. ld reeryee.
heeryeyn  eeg heeryee. ld reeryeyn.
heeryeysan  Wax heeryo la saaray ahaansho. ld reeryeysan.
heeryeysnaan  eeg heeryeysan. ld heeryeysnaansho, reeryeysnaan, reeryeysnaansho.
heeryeysnaansho  ld heeryeysnaan.
heeryo  Rarada awrka kolka la rarayo dusha laga saaro. ld reeryo.
hees1  Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo. hees2  Hees qaadid.
page : 53 of 93
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>

 

Exit mobile version