finiini 1. Wax ordaya wax dul saaran ka ridid. 2. Wax sida biyo dhagax iwm xoog u firdhin. Tus. “Axmed baa biyo nagu finiiniyey”. 3. Neef xooluuhu ku jirey ka cayrin. ld faniini.
finiinid eeg finiin². ld faniinid.
finiinin eeg finiini. ld faniinin, faniinis, finiinis.
finiinis ld finiinin.
finiinsad ld finiinsasho.
finiinsasho eeg finiinso. ld finiinsad, finiinsi.
finiinsi ld finiinsasho.
finiinso Wax badan oo wada jira oo ordaya, mid ka mid ah gooni u leexsasho.
finixsad ld finixsasho.
finixsasho eeg finixso. ld finixsad, finixsi.
finixsi ld finixsasho.
finixso Dood ama hadal hore oo loo qaadan waayey daba socosho.
finjil Sabuul badar iniino ka fujin.
finjilid eeg finjil.
finnaaq F. ah: neef irmaan oo aan caano badan lahayn; baaqimo. ld finnaaqo.
finnaaqo ld finnaaq.
finnaaqsasho eeg finnaaqso. ld finnaaqsi.
finnaaqsi ld finnaaqsasho.
finnaaqso Neef baaqimo ah maalid.
fintir (fintir, m.dh) (bot.) Geed yar oo jilicsan oo lug tool ah oo ubax qurxoon kor ku leh, hoosna buruq kuusan oo kulul oo xooluhu ku dhacaartaan waxna lagu dhayo; wamme.
fiq Buurta meesha ugu sarreysa. ld fig.
fiqi1 1. Axkaamta laga soo qaatay Qur'aanka iyo xadiiska Nabiga. 2. Qof ku xeel dheer diinta islaamka. fiqi2 Cid hoos ula hadlid. ld faqi. fiqibburaale Nooc rooxaanta dadka ku dhacda ka mid ah.
fiqid ld faqid.
fiqiduur Wadaad aan aqoon dheer u lahayn diinta kuna qaraabta.
fiqin eeg fiqi². ld faqin, faqis.
fir Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.
fir1 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. ld firfir¹. fir2 1. Timo, caw iwm feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.
page : 54 of 73
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>