koobaabnaan ld goobaabnaan.
koobaabnaansho ld goobaabnaan.
koobaabo ld goobaabo.
koobaad ld koowaad.
kooban1 Ku k.: wax koobmay noqosho. kooban2 1. Wax la koobay ahaansho. 2. Ku k.: wax ku eg meel oo aan dhaafsaneyn ahaansho. “Ceebtaasi Cali bay ku koobantahay”. 3. Ka k.: wax dhawr shey isugu jira ahaansho. koobi Ka k.: cid war xiiso leh sheegaysa hadal ka gurid.
koobid eeg koob².
koobin eeg koobi.
koobir Minxiis.
koobmid eeg kooban¹. ld koobniin.
koobnaan eeg kooban². ld koob-naansho.
koobnaansho ld koobnaan.
koobniin ld koobmid.
kood1 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa. kood2 ld kooda². kooda1 (kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”. kooda2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Macallinkooda ayay la tashadaeen”. ld kood². koodh ld koor¹.
koodhi Canshuur dadka laga qaado.
koodhiin (daaw.) Dawo xanuun bi'iso ah oo laga sameeyo morfiinta laakiinse awooddeeda xanuun bi'inta iyo dejinta maskaxdaba ay yartahay, waana sun yartahay waxa laga qaataa afka iyo duritaan si xanuun loo yareeyo ama qufac loo joojiyo.
koodi 1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
koodin eeg koodi. ld koodis.
koodis ld koodin.
koofaar Magac aan qof kiisii runta ahaa ahayn; naanays.
koofi ld koofiyad.
koofiyad Shey ka samaysan dun, dhar iwm. oo raggu madaxa gashadaan. ld koofi, koofiyo.
koofiyad xidid (baay.) Dhisme daboola fiiqa ugu horreeya ee xididka (dhinaca carrada). Waxay ilaalisaa xididka inta uu korayo si uu u dhex maro carrada.
koofiyo ld koofiyad.
koofur Jiha waqooyiga liddiga ku ah. ld koonfur.
page : 57 of 73
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>