Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qobtolnaan  eeg qobtolan. ld qobtolnaansho.
qobtolnaansho  ld qobtolnaan.
qod1  Wax iswato qayb ka mid ah. qod2  Qori weyn oo qalalan. qod3  1. Dhinac; gees. 2. Qayb; in. qod4  1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn. qodaal  1. Hawl ku saabsan wax qodidda iyo falidda siiba beeraha. 2. Q. ah: dhul ku habboon beerashada. 3. Daloolinta la dalooliyo dhul.
qodaal buureed  Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.
qodan1  Dhul wax la qoday noqosho. qodan2  1. Dhul, meel iwm wax la qoday ahaansho. 2. Beer wax la falay ahaansho. qodasho  eeg qodo.
qodato  Dad beeraley ah oo ku nool tabcashada beeraha.
qodax  Caaradda yar oo fiiqan, waxna mudda oo geedaha qaarkood bixiyaan.
qodaxbadeed  Gaadaddo.
qodaxtool  Nagaar yar oo qodax badan: meeshii qodaxi muddo oo laga bixin waayo baa xididkiisa la saaraa oo qodaxdii lagu soo baxshaa.
qodban  1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho.
qodbanaan  eeg qodban. ld qodbanaansho.
qodbanaansho  ld qodbanaan.
qodbid  eeg qodob².
qoddo  1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. ld qoto.
qode  1. Cirboor; cirwareen; leexo. 2. Nooc qaadka hareeriga ka mid ah oo gaagaaban aadna u jilicsan.
qodhacayso  Qondhaco isu dhigid (nafley).
qodid  eeg qod². ld qoditaan, qodniin, qodow.
qoditaan  Qodidda la qodo god iwm. ld qodid.
qodmid  eeg qodan¹.
qodnaan  eeg qodan². ld qodnaansho.
qodnaansho  ld qodnaan.
qodniin  ld qodid.
qodo  1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho.
qodob1  1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.
page : 59 of 86
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>

 

Exit mobile version