Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qondhacaysasho  eeg qondhacayso. ld qondhacaysi.
qondhacaysi  ld qondhacaysasho.
qondhacayso  Qondhaco isu dhigid (nafley).
qondhaco  Kulaylka cadceedda subaxdii.
qonfid  eeg qonof².
qonof1  Tab ka mid ah xeeladaha legdinta oo lugta lagu maro tan qofka kale si loo legdo. qonof2  Qof, qof kale la lagdamaaya lugtiisa lugta qofka kale ku marid si uu u legdo. qoo  Wax qallalan biyo gelin. ld qooy.
qoob  1. Lugta ariga, lo'da gammaanka iyo ugaadha inteeda hoose ee qanjaafaha leh. 2. Anqow. 3. Taakada kabaha.
qoobad  Hooy, xero iwm oo aad ciriiri u ah.
qoobley  Naasley qoobab leh oo had iyo jeer qabitimay orodka dhulka bannaanada ah. Waa daaqcune u nool kooxo.
qooddi  Cabbir beereed dhan 25 mitir oo dhinac walba ah.
qoode  1. Kal; mar. 2. Wadiiqo yar lo'du sameyso. 3. ld qoodeyn.
qoodee  Xoolo si isdabajoog ah u socosho.
qoodeyn  eeg qodee. ld qoode (4).
qoodeysasho  eeg qoodeyso. ld qoodeysi.
qoodeysi  ld qoodeysasho.
qoodeyso  Wax kaltan u gelid.
qoodo  Mindi yar oo haweenku guryaha kaga adeegtaan.
qoodow  Dabaggaalle; uunrays.
qoofal1  1. Dabar suun ka samaysan oo awrta iyo fardaha jeenyaha hore lagaga seeteeyo. 2. ld qoofalid. qoofal2  Awr ama faras jeenyaha hore dabar suun ah uga seeteyn. qoofalan  Wax la qoofalay ahaansho (awr ama faras).
qoofalid  eeg qoofal². ld qoofal¹ (2).
qoofalnaan  eeg qoofalan. ld qoofalnaansho.
qoofalnaansho  ld qoofalnaan.
qoofar  Nooc libaax badeedka ka mid ah oo aad halis u ah.
qool1  1. Suun ama xarig siriq leh oo maqasha iwm surka lagaga xiro. 2. Ul weyn. 3. Kuul. 4. Summad wareeg ah oo xoolaha luqunta looga dhigo. 5. Diillin cad oo neef ido ah kurka uga taal. qool2  1. Suun ama xarig siriq u samayn. 2. Cid khayaameyn. qoolaab1  1. Qallooc; nadooc; qolxo. 2. Agaasin loo sameeyo dab shididdiis. ld qoolaaw¹.
page : 62 of 86
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>

 

Exit mobile version