Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jirranaan
cidaad Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.
cidan (1) Dhulka geed gaabka qodaxda lihi ku badanyahay.
cidan (2) Wax la ciday noqosho.
cidan (3) Wax la ciday ahaansho.
ciddabbax (1) C. ah: haweenay la furay oo cuddadii dhammaysatay. ld cuddabbax¹.
ciddabbax (2) Haweeney la furay ama laga dhintay ciddo dhameysasho. ld cuddabax².
ciddabbixid eeg ciddabbax². ld cuddabbixid.
ciddi 1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji.
ciddidiif Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. ld caddidiif.
ciddigod Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. ld cinjigod.
ciddiid Duurjoogta (ugaarta) inta hilibkooda la cuno.
ciddijiid (1) ld cagajiid¹.
ciddijiid (2) ld cagajiid².
ciddijiidid ld cagajiidid.
ciddikudhufaan ld edegkudhufaan.
ciddikujoog Xubinta hore ee farta oo ay ciddidu ku taal.
ciddillaab (1) Orod kadle ah oo gammaanku sameeyo.
ciddillaab (2) Gammaan, orod kadle ah samayn.
ciddillaabid eeg ciddillaab².
ciddillibaax 1. Miro yicibeed oo markaa soo baxay. 2. Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhashay.
ciddillibaaxi Abuur meseggo ama galley oo markaa soo dhalasho.
ciddillibaaxin eeg ciddilibaaxi.
ciddisiib Nooc ka mid ah mariidka oo nafleyda uu sababo ay ciddiyuhu ka dhacaan timihiina ka bidaan (waa kan ugu halisan).
ciddiyagaduudshe Geed nagaar yar oo leh xididdo dhuudhuuban oo ciddiyaha lagu guduudsado.
ciddo Muddo go'an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. ld cuddo.
ciddood ld cirdood.
ciddoodoobid eeg ciddoodow.
ciddoodow Ciddood noqosho.
cidhib (1) ld cirib.
cidhib (2) (c.nafl.) Dalool liilsami kara oo carjaw ah, kaas oo ku dheggan gidaarka dalqada ee u dhow salka carrabka naasleyda. Mar wax la liqayo wuxuu daboolaa hunguricadka si aanay cuntadu u gelin.
<< < 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 > >>

 

Exit mobile version