Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tamar
qorraxoo Wax kuleyl badan ku dhacay noqosho.
qorraxood eeg qorraxoo.
qorraxsad ld qorraxsasho.
qorraxsasho eeg qorraxso. ld qorraxsad, qorraxsi.
qorraxsi ld qorraxsad.
qorraxsiidhac ld qorraxdhac.
qorraxsin Jahada ay qorraxda u dhacdo.
qorraxso Qorrax isu dhigid (qof).
qorshayn eeg qorshee. ld qorshe (2).
qorshe 1. Nidaam habaysan oo hawl lagu fuliyo. 2. ld qorshayn.
qorshe qoys 1. Isticmaalka dawo si loo dhimo ama loo kala dheereeyo dhalashada ilmaha ee qoys. 2. Habab ka hortagga dhalmada oo ay bulsho ama dal uu ku dhaqanto.
qorshee Hawl sidii loo qaban lahaa u nidaamin.
qoryarare Xarig dheer oo sida badan saan ka samaysan oo dhigaha hoos looga xirxiro.
qoryasho eeg qoryo.
qoryayn eeg qoryee.
qoryee 1. Wax qori ku mudmudid. 2. Qof hadal ka raadin.
qoryeysad ld qoryeysasho.
qoryeysan Dab qoryo badan lagu shiday ahaansho.
qoryeysasho eeg qoryeyso. ld qoryeysad, qoryeysi.
qoryeysi ld qoryeysasho.
qoryeyso Qoryo gurasho.
qoryo (1) Qori.
qoryo (2) Qoryo dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iwm).
qosli 1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin.
qoslid eeg qosol².
qoslin eeg qosli.
qosol (1) Cod gaar ah oo ay dadku sameeyaan marka ay faraxsanyihiin iyagoo ilkaha caddaynaya.
qosol (2) 1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid.
qosolbile Dhool.
qosolgariir (1) Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 > >>

 

Exit mobile version