cinniinin ld ciniinin.
cinniinnimo ld ciniinnimo.
cinwaan ld cunwaan.
ciqaab1 Jirrabaad qof gef sameeyey la mariyo. ciqaab2 Cid gef sameysay jirrab marin. ciqaaban Cid, wax la ciqaabay ahaansho.
ciqaabid eeg ciqaab².
ciqaabnaan eeg ciqaaban. ld ciqaabnaansho.
ciqaabnaansho ld ciqaabnaan.
cir1 1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob. cir2 (c.nafl.) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo. ciraab Hadal xigmad badan oo qoto dheer.
cirbad ld irbad.
cirbad-durid (daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.
cirbadayn ld irbadayn.
cirbadays ld irbadayn.
cirbadee ld irbadee.
cirbadeysan ld irbadeysan.
cirbadeysnaan ld irbadeysnaan.
cirbadeysnaansho ld irbadeysnaan.
cirbadhiib ld ciridhiib.
cirbadhiibsad ld cirbadhiibsasho.
cirbadhiibsasho eeg cirbadhiibso. ld cirbadhiibsad, cirbadhiibsi, ciridhiibsad, ciridhi.
cirbadhiibsi Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho.
cirbadhiibso Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.
cirbar Cirka bartankiisa. ld cirbare.
cirbare ld cirbar.
cirbataag1 Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbataagid. cirbataag2 Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. cirbataagid eeg cirbataag². ld cirbataag¹.
page : 75 of 95
<< < 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 > >>